Guddigii aqalka sare ee xalinta khilaafka Barlamaanka oo la kala diray

Wararka Maanta

Guddiga Joogtada Aqalka Sare ayaa goor dhow kala diray Guddigii uu u xil saaray xalinta khilaafka Golaha Shacabka, kaddib markii ay ku guuldareysteen waan waantii ay ka dhex wadeen labada dhinac.

Kulan Guddiga Joogtada uu isugu yimid ayaa waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, waxaana la sheegay in saddex ka mid ah xubnaha Guddiga ay u gudbiyeen istiqaalad ay isaga casileen Guddiga.

Saddexda xubnood ee Guddiga iska casilay ayaa waxaa ka mid ahaa Senator Maxamed Amiin, Cabdi Qeybdiid iyo Maxamed Axmed Mashruuc.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xubnaha Guddiga ay ku kala qeybsameen go’aan ay ka qaateen khilaafka golaha shacabka, kaddib markii ay horay u soo saareen baaq iyo talooyin la xiriiray xalinta khilaafka iyo mudadii ay u qabteen in mooshinka lagu keeno ee 10-ka cisho, kana bilaabaneysay 18 bishan, kuna ekeyd 28-ka bishan.

Sidoo kale xubno ka tirsan Aqalka Sare ayaa ku eedeeyay Guddiga inay dhex dhexaad ka noqon waayeen khilaafka, isla markaana la safteen dhinac ka mid ah, waxaana markii eedeyntaas soo baxday ay xubno ka mid ah guddiga iska casileen guddiga, iyadoo markii dambe la kala diray guddiga.

Xubnaha Aqalka Sare ayaa qarka u saarmay inuu saameyn ku yeesho khilaafka Golaha shacabka, waxaana saddexda xubnood ee iska casilay guddiga xalinta khilaafaadka oo shir jaraa’id qabtay ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan sababaha ay isku casileen.

Khilaafka Golaha Shacabka ee ka dhashay mooshinka Jawaari ayaa gaaray heer aan waxba laga qaban karin oo xaalado kale oo qal qal siyaasadeed uu abuuray, kaasoo ay si toos ugu lug yeesheen Xafiisyada Madaxda sare ee dowladda.