Waxaa dib u dhac ku yimid xiliga dhaarinta xildhibaanada cusub oo la filayey in 15 bishan ay dhacdo, ilo xog-ogaal ah ayaa shabakadda Ceelhuur Online (ceelhuur.com) u xaqiijiyey in maalinta Axadda ah 18 bishan lagu madlan yahay qabsoomidaa kulankii ugu horeeyey ee Barlamaanka cusub.
Barlamaanka ayaa noqonaya kii 10-aad oo ay yeelato Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaana fadhiga koowaad waxaa si kumeelgaar ah u gudoomin doona xildhibaanka ugu da’da weyn, kadibna waxaa la dooran doonaa gudoonka barlamaanka, kulanka Barlamaanka ayaa ka dhici doona akaadeemiyadda Jeneraal kaahiye magaalada Muqdisho.
Ilaa 29 xildhibaan ayaan wali la dooran aqalka hoose, halka 11 kursi ka dhiman yihiin aqalka sare, sidoo kale waxaa jira 11 xildhibaan oo la laalay natiijadii doorashooda, arintaan oo muran ka dhex dhalisay guddiga xalin khilaafaadka doorashada iyo guddiyada doorashooyinka.