Daawo: Tiiceey oo si diiran loogu soo dhaweeyey Cabudwaaq

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynihii hore maamulkii Ximan & Xeeb Maxamed Cabdullaahi Aadan Tiiceey ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyey degmada Cabudwaaq ee waqooyiga Gobolka Galgaduud.

Wafdigan ayaa kasoo kicitimay degmada Cadaado oo ay maalmahaan ku sugnaayeen, Masuuliyiin ka tirsan Galmudug, Maamulka Degmada Cabudwaaq, iyo qeybaha Bulshada ayaa Wafdiga uga hortagay duleedka Magaalada, waxaana kadib loo soo galbiyey gudaha Magaalada.

Tiiceey ayaa la filayaa inuu galabta ilaa caawa la shiro qeybaha Bulshada, sidoo kale Waxa uu safarkiisa xiga ku tagi doonaa degmada Xeraale ee gobolka Galgaduud.

 

Wariye: C/risaaq Deelle – Cabudwaaq