Banaan bax rabshado wata oo ka dhacay Buulo Burte iyo xiisad ka taagan maamul loo magacaabay

Wararka Maanta

Wararka ka imaanaya degmada Buulo Burte ayaa sheegaya in bannaan bax rabshado wata uu saaka ka dhacay degmadaas, kaddib markii dadka deegaanka ay ka soo hor-jeesteen maamul cusub oo dhowaan Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Hirshabeelle u magacaabay Buulo Burte.

Dadka deegaanka ayaa bannaan bax ka dhigay bartamaha magaalada, iyagoo dhagxaan iyo taayaro ku gubay, waxaana ay ka soo horjeedaan Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle oo ay ku eedeeyeen inuu sabab u yahay xiisada maamul ee muddooyinkii u dambeeyay ka jirtay degmada.

Intii dibad baxa rabshadaha watay ka socday degmada ayaa waxaa la maqlay rasaas la sheegay in lagu riday dibad baxayaasha, iyadoo la sheegayo in rasaasta ay sababtay khasaare, inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle ayaa muddo kooban isku bedelay illaa saddex guddoomiye ay yeelato degmadaas, iyadoo odayaasha deegaanka ay ka soo horjeesteen, waxaana qaarkood ay sheegeen in aanay raalli ka noqoneyn maamul kor looga keeno.

Banaan baxa rabshadaha watay ee maanta ka dhacay Buulo Burte ayaa waxay hakad geliyeen dhaq dhaqaaqa ganacsiga, goobaha waxbarashada, inkastoo xaalada iminka ay tahay mid caadi ah.