Golaha Shacabka oo maanta soo gebagebeynaya dhageysiga Khudbaha Musharixiinta

Wararka Maanta

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa lafilayaa in maanta ay soo geba gebeeyaan dhageysiga khudbadaha musharixiinta u taagan xilka guddoomiyaha Golahaasi.

Xubnaha maanta soo bandhigaya barnaamijyadoodi siyaasadeed aytaa waxaa ay kala yihiin.

1 Xildhibaan Iimaan C/laahi Nuur

2- Xildhibaan Maxamed Sh. C/raxmaan Mursal

3- Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla

4- – Xildhibaan Shariif Sheekhunaa Maye

5- Xildhibaan Maxamud Macalin Yaxye.

Maalintii shalay ayaa waxaa xildhibaanadu ay dhageysteen khudbadaha ilaa 6 musharax oo xilkaasi u taagan,kuwaasi oo qofkasta uu soo bandhigayay siyaasadiisa xumbaarsan waxqabadkiisa hadii uu ku guuleysto qabashada xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Guddiga qaban qaabada doorashada ayaa galidoona khudbadaha ka dib maalmo is xog wareysi iyo nasiinyo ah,iyadoo la isku diyaarinayo doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la filayo in ay dhacdo 30 Aril oo ku began Isniinta soo socota,sida ku cad jadwalka haraaca doorashada ee uu horey guddigu u soo saaray.

Xigasho: Sonna