Golaha Shacabka maanta sugaya Sedex kamid ah Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya

Wararka Maanta

Saddex ka mid ah Xubnaha Golaha Wasiirada Somaliya, ayaa maanta waxa ay hortagayaan Baarlamaanka Somaliya, sida uu sheegay Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Wasiirada Maanta hortagi doona Baarlamaanka, ayaa waxaa sii shaaciyay maalintii Arbacada Gudoomiyaha Baarlamaanka oo faray habdhowrka Baarlamaanka inay ku wargeliyaan Wasiiradan in looga yeeray Xarunta Golaha Shacabka.

Wasiirada maanta Xildhibaanada Baarlamaanka hortagaya ayaa waxa ay kala yihiin, Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Warfaafinta iyo Wasiirka Cadaaladda.

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumada Soomaaliya Drs Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa Xildhibaanada ka hor jeedin doonto Hindise sharciyeedka Caafimaadka dalka oo maraya Akhrintiisa koowaad.

Wasiirka Wasaarada Cadaaladda ee Xukuumada Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa Xildhibaanada ka hor jeedin doono Hindise Sharciyeedka la dagaalanka Musuq Maasuqa oo isagana maraya Akhrintiisa koowaad.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyi gelinta Bulshada ee Xukuumada Soomaaliya Eng C/raxmaan Cumar Cusmaan ayaa Xildhibaanada ka hor jeedin doono wax ka badal lagu sameeyay Xeerka Saxaafadda Soomaaliya.

Xubnaha Baarlamaanka Somaliya, ayaa muddooyinkaan dambe waxa ay wadaan dardargelinta ku aadan Hindise Sharciyeedyada Baarlamaanka dalka horyaalla.