Golaha Shacabka BFS oo Ansixiyey Sharciga Batroolka

Wararka Maanta
Golaha ShacabkavBaarlamaanka federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay sharciga Batroolka oo kullamadii u dambeeyay aad looga doodday.

Kulanka ay golaha ku ansixiyeen sharcigan oo isha lagu hayay waxaa xaadiray 154 xildhibaan, iyadoo cod gacantaag ah la galiyay.

150 xildhibaan ayaa codka ogalaansho ee ‘Haa’ ugu codeeyay sharciga, waxaa diidday 4 xildhibaan, mana aysan jirin cid ka aamustay. Sharcigan waxaa u dhiman in la horgeeyo Aqalka Sare, kadibna uu Madaxweyne Farmaajo kusoo saaro faafinta rasmiga ah.
Sharcigan waxaa horay uga horyimid dowlad-gobolleedyada, iyadoo shirkii u dambeeyay ee dowladda federaalka iyo maamul-gobolleedyada uu qodobka ka mid ahaa kuwii la isku mari waayay ee ugu dambeyn dhaliyay in shirka lagu kala kaco.
Sidoo kale, xukuumadda ra’iisul wasaare Khayre oo dadaal galisay sharcigan ayaa soo maray marxaladdo kala duwan oo ahaa dooddo la xiriiray sharcigan oo ku soo beegmay xilli horraantii bishii February lagu qabtay magaalada London kulan lagu xaraashayay sahankii shidaal ee laga sameeyay Soomaaliya.