Gobolka Banaadir oo laga hirgeliyey Xafiiska Amniga heer Gobol (Sawirro)

Wararka Maanta

Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Kuxigeenkiisa ee Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa xarigga ka jaray xafiiska Amniga Gobolka Banaadir oo qeyb ka ah qorsheyaasha ku qotoma dhammeystirka qaab-dhismeedka Amniga Qaranka.

Guddoomiye Xuseen ayaa sheegay in maamulka Gobolka Banaadir oo fulinaya qodobbadii ka soo baxay Shirkii Amniga Qaranka Baydhabo ee 3-ilaa 5ta bisha Juun ay dhankooda hirgeliyeen xafiiskan oo kaalin mugleh ka qaadan doona is-dhex galka siyaasadaha la xiriira arrimaha amniga qaran ee heer gobol iyo heer Federaal.

“Xafiiskan waxa uu masuul ka yahay isku xirka iyo isku duwidda howlaha ciidamada iyo guud ahaan shaqooyinka lagu xaqiijinayo amniga Qaran oo qorshuhu yahay in istaraatiijiyadda mideysan ee Dawladda Federaalka Soomaaliya, Dawladda Goboleedyada dalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir ay si joogta ah isu dhaafsadaan, ugana wada shaqeeyaan.”Ayuu yiri Guddoomiye Xuseen.

Sidoo kale, Kusimaha Guddoomiyaha ayaa kula dardaarmay Xubnaha Amniga Gobolka Banaadir in ay ka miro-dhaliyaan hiigsiyada ku aaddan xasilinta amniga gobolka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa wada shaqeynta kala dhaxeysa bulshada.

“Shacabka Muqdisho iyo guud ahaan Gobolka Banaadir waxa ay laf-dhabar u yihiin qorshayaasha lagu sugayo amniga, sidaas darteed waxaan rajeynaynaa in xafiiskan uu kor u qaado wada shaqeynta ka dhaxaysa bulshada iyo laamaha ammaanka si looga hor tago dhagarta argagixisadu ay u maleegayaan dadka Soomaaliyeed.”

Furitaanka Xafiiska Amniga Gobolka Banaadir waxaa ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib-u-heshiisiita Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir, Taliye Kuxigeenka Ciidanka Xasilinta Gobolka Banaadir (SAMA) iyo Taliyaha Ciidanka Ilaalada Deegaanka Xamar.