Galmudug oo ka Tacsiyeysay geerida Gudoomiyihii Galgaduud

Wararka Galmudug Wararka Maanta

TACSI

Innaa Lillaahi wa inaa ileyhi Raajicuun, Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Galmudug, Madxweyne kuxigeenka Galmudug iyo labada gole ee dowlad goboleedka Galmudug , waxay tacsi tiiraanya leh u dirayaan qoyskii, qaraabadii iyo dhamaan shacabka dowlad goboleeedka Galmudug oo ay ka geeriyooday Allaha ha u naxariistee gudoomiyihii Gobolka Galgaduud marxuum Maxamed Daahir Shiikh Cali Cilmi iyo walalkiis marxuum Eng. Xasan Shiikh Cali Cilmi oo xalay kooxo hubeysan oo dhagar qabayaal ah ay ku dileen magaalada muqdisho,gaar ahaan xafada Carafaad waxaana dishay gacan ka xaqdaran, runtii geerida ku timid gudoomiyaha iyo walalkiisba waa mid si gaar ah noo taabaneysa.

“Innaa Lillaahi wa Inaa Ileyhi Raajicuun. Dhammaan Dowlad Goboleedka Galmudug waxay tacsida iyo tiiraanyo la wadaagayaan ilaahna uga barya yaan qoyskii, eheladii iyo dhammaan dadka reer Galmudug oo ay kabaxeen labada marxuum in ilaah samir iyo iimaan ka siiyo iyagana raxariistiisa Janno ka waraabiyo.
Ugu danbeyntii dowlad goboleedka Galmudug waxa ay ugu baaqeysaa dowlada federaalka ee soomaaliya in ay baaritaan ku sameyso soona qabtaan dadkii ka danbeeyay dilkii xalay loo geystay gudoomiyihii gobolka galgaduud iyo walal kiis isla markaana Cadaalada la horkeeno.
Aamiin, Aamiin, Aamiin

Xafiiska Madaxweynaha Galmudug