UK:Nin Soomaali ah oo xaaskiisa diley

Wararka Maanta

Magaalada Pristol ee dalka UK ayaa la sheegay in nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Aadan Daahir uu xalay ku diley xaaskiisii allah u naxariistee Aasiya Cumar oo 27 sano jir aheyd, sida ay VAO u sheegtay Ayaan C/laahi Cumar oo qaraabo la ah qoyskaas.

Ayaan, ayaa intaa ku dartay in Aadan uu ku diley afadiisa mindi isla markaana booliiska soo gaareen xaafadda dilka uu ka dhacay.

Ka hor inta uusan dhicin dilka ayaa la sheegay in ay muran uu dhex maray gabar qaraabo yihiin Aadan iyo xaaskiisa Aasiya, iyadoo saacado ka dibna laga war heley falkan naxdinta leh.

Ayaan Cabdulaahi, ayaa sidoo kale, xustay in Aadan muddooyinkii dambe isku buuqsanaa ka dib markii rukhsadiisa wadida gawaarida laga joojiyay muddo sadex sano ah taasina ay ku qasabtay in shaqo waayo.