Galmudug Waxay u baahan tahay…

Wararka Galmudug Wararka Maanta
GAL-MUDUG WAXAY U BAAHANTAHAY!
………………………………………………………………
*  DHISMAHA CIIDANKA GALMUDUG:
Tababarka iyo dhismaha Ciidamada Dhulka ….. Ciidamada Badda …….
, oo ay ku jiraan saraakiil oo ay la socdaan Qalabka Difaaca iyo mashiinada loo baahan yahay. Waana in laga soo xulaa dhammaan Degmooyinka iyo Tuulooyinka Galmudug.
Tababarka iyo dhismaha Hay’adda Sirdoonka Heer Dawlad Goboleed ….. oo ay la socdaan Qalabka ururinta sirdoonka. Waana in lagasoo xulaa dhammaan Degmooyinka iyo Tuulooyinka Galmudug.
Dhismaha iyo Tabobarka Ciidamada Booliska …. iyo Ciidamada Asluubta …., oo ay la socdaan Qalabkooda. Waana in  lagasoo xulaa dhammaan Degmooyinka iyo Tuulooyinka Galmudug.
*ABUURID LA XISAABTAN IYO DAWLADA HUFAN:
Siinta itaal u Hantidhawrka Guud ee Dowlad Goboleedka hawshiisa rasmi u gudan karo oo sharicaga la tiigsan karo saraakiisha si sharciga dhaafsan u isticmaala hantida Galmudug  sida lacag, dhul, isticmaalka xafiiska, IWM.
Dhammaan  NGO’YADA  Caalamiga ah ee ka shaqeeya Galmudug waa inay shaaciyaan si rasmi ah lacagta ay heleen inay ku hawl galaan iyo qorshe cad oo cadeenaya sida lacagtaas loo isticmaali doona iyo cida ay ku baxayso.
*DHISMAHA DHAQAALAHA IYO SHAQADA:
Abuurka 20,000 Shaqo oo cusub dhammaan Degmooyinka iyo Tuulooyinka Galmudug.
Maal galin (Gudaha iyo Dibedda) loo sameeyo goobaha miyiga gaar ahaan  Beero-layda Xoolo dhaqatada. U helida suuq cusub oo ay ku iibiyaan badeecadooda.
Dhaqaale looga dhiso kaabayaasha dhaqaalaha ee dhammaan Degmooyinka iyo Tuulooyinka Galmudug dhinaca wadooyinka iyo buundooyinka.
Dhisidda dekada weyn Free Zone-Port ee Hobyo.
*DHISMAHA WAXBARASHADA:
Waa in dib u habeeyn lagu sameeyaa nidaamka waxbarashada ee Degmooyinka iyo Tuulooyinka Galmudug marka la eego helida waxbarasho iyo tayada waxbarasho. Waa in lasoo bandhigo sharciga wax looga qabanaayo  baahida waxbarasho ee miyiga iyo magaalooyinka labadaba si ilmo kasta ee dhammaan Degmooyinka iyo Tuulooyinka Galmudug u heli lahayeen Waxbarasho Bilaash ah ayna si buuxda u bixiso Dowlad Goboleedka Galmudug.
Si looga hortago yaraanta macallimiinta xirfad leh, waa in latababaro ugu yaraan 10,000 – 15,000 oo macallimiin sanadkiiba. Macallimiintani waxay ka iman doonaan dhammaan Degmooyinka iyo Tuulooyinka Galmudug. Iyo wixii kaloo La heli karo.
Si loo yareeyo shaqo la’aanta weyn ee Galmudug iyo la’aanta shaqaale xirfad leh, waxaa wanagsan in la abuuro dugsiyo xirfadeed si ay tababar ugu qaataan dhalin yaradu ka yimid dhammaan Degmooyinka iyo Tuulooyinka.
* DHISMAHA DARYEELKA
CAAAFIMAADKA:
Waa in  la abuuro gargaar Caafimaad oo Bilaash dhammaan shacabka Galmudug.
Waa in laga dhiso cusbitaalo yaryar dhammaan dhulka miyiga ah.
Waa in ladhiso  Haya’ad kormeerta dhammaan tayada iyo nooca dawo,  caafimaad, qalabka caafimaadka, iwm ee so gala dhammaan Degmooyinka iyo Tuulooyinka Galmudug.
Waa in lahelo  Hay’ad qiimaysa shahaadada iyo aqoonta  iyo shatiyada arrimaha ay ku dhaqmaan dhakhtar caafimaad ama kalkaalisooyinka.
*DHISMAHA  NIDAAMKA CADDAALAD:
Waa in lasameeyo Maxkamad magaalooyinka waaweyn, magaalooyinka yar yar  halkaas oo muwaadin kasta ka heli karo maxkamadayn caddaalad ah.
Sidoo kale waxaa wanagsan in la dhiso Xabsiyo Asluubta si maxaabiista loogu soo dhaqan celiyo si markey dhamaystaan bulshada ka mid noqdaan amba u noqdoon dad bulshada wax ku soo dara.
*DHISMAHA DEEGAAN:
Abuuritaanka Hay’ad Degaanka si loo ilaaliyo deegaanka Galmudug.
Ilaalin Geedaha iyo duurjoogtada.
Soo Bandhigida Hawo Nadiifi ah, Biyo Nadiif ah iyo Dhul Nadiifi ah.
FG :  qeybta Ciidamada iyo tiradooda waxaan uga tagey!  Qubarada arimahaas ku xeel dheer.
W/Q: Maxamed Qaasim Alturaabi