Galmudug: Shaxda Qeybsiga Xubnaha Aqalka Sare

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Waxaa todobaadkan ka socday magaalada Cadaado qeybsiga xubnaha aqalka sare federaalka u matalaya dowlad goboleedka Galmudug, waxaana loo tartamayaa 8 xubnood oo Galmudug kusoo aaday, ugu yaraan halkii xubin waxaa u sharaxan laba musharax.

Odayaasha iyo waxgaradka beelaha ayaa ku qulqulayey madaxtooyada Galmudug, waxaana jiray is riix riix siyaasadeed, 11 beelood ee Galmudug ayaa beelaha qaar hal xubin la isugu daray, hadaba Ceelhuur.com ayaa heshay hab qeybsiga xubnaha Aqalka sare :

  1. Habargidir 3 xubnood
  2. Duduble 1 xubin
  3. Mareexaan 1 xubin
  4. Dir 1 xubin
  5. Waceysle 1 xubin
  6. Murusade 1 xubin

Shuruudaha laga doonayo qofka u sharaxan ayaa waxaa ku jira in musharaxa Ragga in uu bixiyo 10,000$, halka dumarka laga rabo 5,000$.

Ilo xog-ogaal ah ayaa inoo xaqiijiyey Madaxweyne Guuleed u gudbiyey guddiga doorashada xubnaha u sharaxan aqalka sare.

Comments are closed.