Askari horey u dilay Wade Bajaaj oo dil lagu xukumay

Wararka Maanta

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa xukun dil ah ku riday Cali Maxamud Axmed oo ka tirsanaa Ciidanka Booliska Soomaaliya oo 8-dii bishaan ku dilay magaalada Muqdisho wade Mooto Bajaaj.

Dilka ayaa ka dhacay Isgoyska Tarabuunka ee Degmada Hodan, waxaana sidoo kale uu dhaawacay qof Shacab ah.

Askariga la xukumay ayaa dilay AUN Cabdirisaaq Yuusuf Guure oo ahaa wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeysta Mootadda loo yaqaano Bajaajta, halka uu dhaawacay Cali Xaashi Mataan oo sarifle ah.

Dacwadda ayaa socotay dhowr Maalmood, waxaana Maxkamadda la horkeenay Marqaatiyo iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka oo goobjoog ahaa markii uu dilku dhacayay.

Askarta Ciidanka dowladda ayaa bilihii ugu dambeeyay toogasho ku dilay dhowr wadayaal Maato Bajaaj, waxaana taasi ay sababtay Kacdoon ka dhan ah dowladda oo ka bilowday Magaalada Muqdisho.