Galmudug oo si buuxda ula wareegtay Godinlabe

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Waxaa saaka dagan jawiga magaalada Godinlabe, waxaana si buuxda ula wareegay ciidamada Galmudug, kadib markii xalay saqdii dhexe ay isaga baxeen ciidankii Ahlu sunno.

Ciidanka Galmudug ayaa hadda ku sugan inta u dhaxeysa Godinlabe iyo mareergur, halka kuwa Ahlu sunno joogaan mareergur, waxaana Odayaasha Cadaado ku guuleysteen inuu isasoo dhiibo sarkaal lagu magacaabo C/qaadir Afweyne iyo ciidamadiisa oo horey uga biyo diidanaa arinkaas.

Dadkii rayidka ahaa ayaa horey uga barakacay Godinlabe, waxaana suurtagal ah in dadku dib ugu laabtaan magaalada.

Comments are closed.