Xildhibaano horleh oo ka tirsan barlamaanka Galmudug ayaa maanta soo gaaray Magaalada Cadaado xarunta Barlamaanka Galmudug. Waxaana halkaas ku soo dhaweeyey Masuuliyiin ka tirsan Galmudug.
Tirada xildhibaanada Galmudug ee ku sugan magaalada Cadaado ayaa sii kordheysa, waxaana la filayaa in dhawaan furmaan fadhiyada Barlamaanka.
Madaxweynaha Galmudug ayaa dadaal badan ugu jira sidii uu baajin lahaa fadhiyada Barlamaanka, oo uu aaminsan yahay in ay xilka ka tuuri doonaan hadii ay fadhi yeeshaan.
dhanka kale Xildhibaanada federaalka ee laga soo doorto Galmudug ayaa taageeraya garabka kasoo horjeeda Madaxweyne xaaf.