Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa sheegay Dowladda India inay kala hadleen sidii gudaha Somaliya loogu soo wareejin lahaa dhalinyarada Somaliyed ee dalkaasi ku xiran. Maxamed Xaashi ayaa sheegay, Galmudug oo ka jawaabaysa cabashada dadka Deeganadaasi inay xiriir la sameysay Safaarada Somaliya ee dalka India.
Waxa uu sheegay inay aad uga xun yihiin dhalinyarada Somaliyed ee ku xiran Xabsiyada dalka India, isaga oo ka dalbaday Xukuumadda dalkaasi in Somaliya loo soo wareejiyo dhalinyaradaasi.
“Annaga oo ka jawaabeyna cabashada shacabka ku sugan Galmudug, waxaan xiriir la sameynay safaaradda Soomaaliya ee India si aan wax badan uga ogaanno dhallinyarada ku xiran India, sidoo kale qareenka dhallinyarada u doodaya baan la hadalnay.” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka.
Shalay ayaa deegaano ka tirsan Galmudug waxaa ka dhacay Banaanbax ballaaran oo ay dhigeen Bulshada ku nool Koonfurta Gaalkacyo, kuwaasi oo ka cabanaayay xukunka India ay ku riday dhalinyarada Somaliyed.
Comments are closed.