Dabley hubaysan ayaa goor dhaweyd weerar ku dhaawaceen Xeer Ilaaliye ku xigeenak Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya C/laahi Xuseen Mayoonge.
Weerarkaan ayaa ka dhacay Isgoyska Xararyaale ee Degmada Warta Nabadda, kadib markii Koox hubaysan oo watay gaari sida la sheegay ay rasaaseeyeen gaarigii uu watay Xeer Ilaaliye ku xigeenka Maxkamada Ciidamada.
Warar kale ayaa shegaya in nin hubaysan uu rasaasta la dhacay gaariga, kadibna uu ku baxsaday gaari.
Masuuliyiinta dhanka ammaanka Degmada Warta Nabadda ayaa sheegay in lagu raadjoogo dadkii ka dambeeyay falkaasi lagu dhaawacay Xeer Ilaaliye ku xigeenka Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliya.
Ciidamada Nabad Suggida Somaliya Iyo Booliska oo gaaray goobta ay wax ka dhaceen ayaa halkaasi waxa ay ka wadaan baaritaano dhanka ammaanka ku saabsan.
Comments are closed.