Galmudug oo beenisay inay Xariirka u jartay Dowladda Soomaaliya

Wararka Maanta

Maamulka Galmudug ayaa ayaa wax lama jiraan ku tilmaamay Waraaq saaka lagu baahiyay Baraha-Bulshada iyo Warbaahinta taasoo sheegaysa in Galmudug ay Xariirka u jartay Dowladda dhexe ee Soomaaliya.

War qoraala oo uu ku saxiixnaa Agaasimaha Madaxtooyada Galmudug Maxamed Cabdi Aadan laguna beeniyay hadalka sheegaya in Galmudug Xariirka wada shaqayneed u gowsay Dowladda uu hugaamiyo Farmaajo ayaa o dhignayd sida tan

“Mudooyinkaan danbe waxaa soo batay Warqado been abuur ah oo lagu baahinayo Baraha-bulshada sida Waraaqda saaka la baahiyay oo sumadeedu tahay Tix;XMGM/09/165 kuna Taariikhaysan 24/9/2017 Ujeedkeeduna yahay Xiriir u jaris Dowladda dhexe.

“Hadaba halkaan waxaan ku cadaynaynaa in waraaqdaani tahay been abuur aan sal iyo raad lahayn mana kasoo bixin Xafiiska Madaxwaynaha Galmudug. sidoo kale Galmudug waxay had iyo goor u taagan tahay jiritaanka midnimada umadda Soomaaliyeed iyo wada jirka Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda dhexe.

Dowlad Goboleedka Galmudug waxay umadda Soomaaliyeed u cadaynaysaa in ay kamid tahay Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Dhexe waxaana baaritaan lagu hayaa dadka caadaystay in Baraha-bulshada soo dhigaan Waraaqo been abuur ah.

Arimahaan oo dhan waxay imaanayaan Xili baryahaan uu taagnaa Khilaaf u dhexeeya Galmudug iyo Dowladda Dhexe kadib go’aankii Madaxwayne Xaaf kaga hor yimid Mowqifkii Dhex dhexaadnimo ee Xukuumadda Soomaaliya ka qaadatay Xiisada Khaliijka

Hoos ka Akhri Waraada

W/Q:Ali Abdiwahab Aden

Ceelhuuronline