Sawirro:- Qaraxyo Is-Xiga Oo Maanta Gelinkii Dambe Ka Dhacay Muqdisho

Wararka Maanta

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qaraxyo is xigay oo Salaadii Casir kadib ka dhacay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Agagaarka Hotel Saxafi.

Wararka Uu Ceelhuur.com Ka Heleyo ayaa sheegaya in Qaraxyada kadib ay la maqlay israsaaseyn u dhaxeysay Ciidamada Dowladda iyo Kooxdii Weerarka geysatay.

Illaa Saddex qarax ayaa la maqlay, saraakiisha Ciidamada Dowladda ayaa sheegay in ay wadaan Baaritaano, Kolkaas kadib ay warbaahinta usoo bandhigi doonaan.

Ciidamada Dowladda ayaa gaaray Halka weerarka uu dhacay, waxaana xiran waddooyinka u dhaw Hotel Saxafi iyo Xarunta Dambi baarista oo iska soo horjeeda.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Koox hubeysan ay gashay Hotel Saxafi, halka warar kale ay sheegayaan in Ciidamada Ammaanka ay toogteen inta aan Gudaha Hoteelka u galin.

Waxaana goobta gaaray Gaadiidka Gurmadka Deg dega si ay u qaadaan Dadka waxyeeladu gaartay, waxaana sawirro lasoo qaaday ka muuqda Gaadiid iyo Bajaaj burburay.

Isbitaalada Muqdisho qaarkood ayaa la geeyay dad dhaawacyo kala duwan soo gaaray si loogu daweeyo.

Al-Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda Weerarkaan waxa ay sheegeen in Hotel Saxafi ay ku bartilmaameedsadeen Xubno katirsan Dowladda.

Magacyadda qaar ka mid ah dadkii ku waxyeeloobay Qaraxyadii Muqdisho

Gurmadka loo sameynaayo dadkii ay waxyeelado kasoo gaartay Qaraxyadii ka dhacay Hoteel Saxafi ayaa wali socda , waxaana jira dhaawacyo badan oo la gaarsiiyay Isbitaalada Magaalada Muqdisho.

Cabdirisaq Bahlaawi oo ahaa  Agaasimihi hore ee Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya oo xilligii uu qaraxa ka dhacayay ku sugnaa meel aan Hotelka ka fogeen ayaa ka mid ah dadka dhaawacyadooda la gaarsiiyay Isbitaallada Muqdisho.

Cabdifitaax Cabdirashiid Shire Il-qeyte oo Aabihii 3 Sano ka hor Bishaan oo kale lagu dilay Hoteelka Saxafi ka dib markii weerar lagu qaaday ayaa ka mid ah dadkii Maanta ku dhintay Qaraxyadii  ka dhacay Muqdisho.

Dad Shacab ah oo saarnaa gaari Caasi ah oo gaarayay tobaneeyo ruux ayaa sidoo kale la  xaqiijyay in ay ku dhinteen Qaraxa ka dib markii gaarigii ay saarnaayeen uu haleelay Qaraxa Koowaad.