Gaari ay Arday saarneeyeen oo lagu rasaaseeyey Muqdisho

Wararka Maanta

Askari ka tirsan ciidanka Dowladda ayaa raasaaseeyey Gaari ay saarnaayeen arday iskuul Magaalada Muqdisho, Gaarigan ayaa xilligii la rasaaseynayey  marayay Bar Koontorool oo lagu hubiyo Gaadiidka oo ku taalla degmada wadajir ee Gobolkan Banaadir.

Ardayda saarnaa gaarigan ayaa dhigta Iskuulka Al-Anwaar (Ex Dhame Yaasiin Carte) ee Magalada Muqdisho,waxaana ku dhaawacmay saddex arday oo walaalo ah,kuwaas oo lagu kala Magacaabo Safiyo Daahir,  Zakariye Daahir iyo Hodan Daahir.

“Eedo,  Hodan xabad ayaa ku dhacday, laakin Safiyo gaariga ayey iska tuurtay, Zakariyana taayar ayaa kor maray ayaa la ii sheegay” sidaasi waxaa tiri eedadood oo la hadashay Goobjoog News

Koontoroolka Gariga ay saarnaayeen ardayda lagu rasaaseeyey ayaa ku yaalla ajabka degmada Dharkenleey ee Gobolkan Banaadir,waxaana la sheegay in askarigii falkaasi geystay uu goobta ka baxsaday.

Saddexda Arday ee Walaalaha ah eee dhaawacmay  ayaa la geeyey isbitaalka Shaafi ku yaalla Magalada muqdisho.

Saddexda arday in sanadka dambe ay dhamaynayeen Waxbarashada dugsiga sare ee Al-Anwaar, hayeeshee Maanta degmada dharkenley lagu dhaawacay.