Isku day Afganbi oo ka dhacay dalka Gabon

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Milatariga dalka Gabon ayaa maanta qaaday isku day afgambi oo ka dhan ah Madaxweynaha dalkaas. Ciidamada ayaa ku dhaaqaaqeen afgami ,isla markaana ay shaaca ka qaadeen in ay aasaasayaan gole soo celiya rajada,ka dib kolkii ay la wareegeen xarunta Idaacadda Qaranka ee dalkaasi.

Rasaas ayaa la sheegayaa in laga maqlaayo magaalada caasimadda ah ee Libreville. Hadal ay sii daayeen saraakiiil ka tirsan ciidamada ayeey ku cambaareeyeen Madaxweyne Ali Bongo oo xaalad caafimaad ugu maqan dalka Morocco .

Mr.Bongo, Madaxweynaha Gabon oo 59-sano jir ah,waxa soo wajahay bishii Oktoobar ee la soo dhaafay cudurka dhiig karka , xiilli uu booqanaayey Saudi Arabia,illaa markaana waxaa lagu daaweynaayey dalka Morocco.

Dowladda ayaa saacado kadib isku daygaas sheegtay inay dib ula wareegtay maamulka, islamarkaana ay xirtay inta badan saraakiishii ku lugta lahaa afgambiga.

Afhayeenka dowladda Guy-Bertrand Mapangou ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in deganaansho dib loo caliyey xaalduna ay tahay mid ay gacanta ku hayaan.

Guy-Bertrand Mapangou ayaa sidoo kale u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in afar ka mid ah askartii qabsatay raadiyaha qaranka la xiray, midka shanaadna lagu raad joogo.