Gudoomiyaha Bulshada Rayidka Galmudug oo Baaq Nabadeed u diray Beelaha ku dagaalamay Gobolka Mudug

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Gudoomiyaha Jilayaasha aan dowliga aheyn ee dowlad goboleedka Galmuduga Khadar Biciid oo la soo xariiray Warqabadka Shabakadda Ceelhuur.com ayaa baaq nabadeed u diray Beelaha ku dagaalamay gobolka Mudug, Gudoomiyaha ayaa ugu baaqay Maamulada Galmudug iyo Puntland in ay u istaagaan sidii loo damin lahaa colaadda ka soo cusboonaatay deegaanadaas oo dhawaan heshiis ka gaareen labada maamul.

Gudoomiyaha ayaa yiri:” Masuuliyiinta iyo waxgaradka gobolka waa in ay u istaagaan daminta colaadaas, sidoo kale waxaan ka digaynaa in deegaanka colaad dib loogu celiyo, Madaxda labada maamul masuuliyadda ayaa ka saaran in ay nabadda laga shaqeeyo, waa la joojiyaa hadalada dhiilada colaadeed xanbaarsan oo ay hawada isku marinayaan labada dhinac”.

Dhanka kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in mudooyinkan socdeen qorshe nabadeed ay garwadeen ka ahaayeen Madaxda labada Maamul, waxaana arintaas gacan ka geystay dowladda Federaalka ah iyo beesha caalamka, sidoo kale Mr. Khadar ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka ah iyo beesha caalamku in ay kula xisaabtamaan dadka hurinaya colaadda gobolka Mudug. Gudoomiyaha ayaa hadalkiisa ku soo gabangabeeyey in ay wadaan xiriiro si loo damiyo colaadda.