Fernando Torres: "Atletico Madrid diyaar ayey u tahay Barcelona"

Ciyaaraha

3139

Weeraryahanka Atletico Madrid Fernando Torres ayaa sheegay in kooxdiisa ay geli doonaan kulanka arbacada ee la ciyaarayaan Barcelona iyagoo haysta “kalsooni buuxda ‘ka dib markii ay soo gaareen saddex guul oo isku xigta.

Atletico ayaa xilli ciyaareedka 2016-17  La Liga ku bilowday barbaro, laakiin ku garaacday Celta Vigo 4-0 iyo 5-0 Sporting Gijon kulankii ugu ugu danbeysay ee horyaalka Spain .

kooxda caasimada ayaa sidoo kale bilaabay olole heeda  Champions League iyagoo guul 1-0 ah ka gaaray PSV Eindhoven todobaadkii hore, Torres ayaa sugi la’ safarka Arbacada soo aadan ee ay kaga hor imaanayaan kooxda heysata horyaalka Spain.

Torres ayaabedel ku soo galay Atletico kulankii Sporting Gijon ee Vicente Calderon.