Farmaajo oo Garowe kula kulmay Madaxda Maamulada

Wararka Maanta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan wadatashi iyo is-xogwaraysi ah la yeeshay Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka.

Kulanka waxa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Madaxweynayaashii hore ee dalka Mudane Xasan Sh. Maxamuud iyo Mudane Shariif Sh. Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Geeddi iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Sen.  Cabdiraxmaan Maxamed Faroole.

Madaxda Qaranka iyo kuwa dowlada Goboleedyada oo ay wehliyaan madaxweynayaashii hore ayaa ka qeybgalay calaama saarkii madaxweynaah Puntland Siciid C/llaahi deni oo xalay ka dhacday magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.