Fadeexad ka dhalatay kabaha booliska Kenya

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Kenya ayaa lumisay lacag ka badan 1.7 milyan oo dollar, ka dib musuq maasuq ka dhashay kabo loo iibinayay booliska dalkaasi, sida lagu ogaaday baaritaan rasmi ah oo la sameeyay.

Warbixin uu soo saaray hanta-dhowrka guud ee Kenya, Edward Ouko, ayaa lagu sheegay in qaar badan oo ka mid ah booliska Kenya ay xiran yihiin kabo dhammaad ah, halka qaar kalena ay iskood usoo iibsadaan kabaha, arrintaasi oo khilaafsan sharciga booliska.

Waxaa sidoo kale warbixinta lagu sheegay in si weyn sare loogu qaaday qiimaha ay wasaaraddaasi kusoo iibsatay kabaha, ayadoona rasiidhada lacagtaasi lagu bixiyaya ay u badannaayeen kuwo been abuur ah.

Diiwaanka wasaaradda ayaa laga ogaaday in qorshuhu ahaa inay soo iibsato 26,500 oo kabo, balse ay soo gadatay 78,000 kabo.

Mas’uuliyiinta wasaaradda ayaa sheegay in kabaha dheeraadka ah ay ugu talagaleen booliska cusub ee aan tababarka dhamaysan.

Kenya ayaa sanadkan waxaa ka dhacay fadeexooyin waaweyn oo musuq maasuq ah, mana jiraan mas’uuliyiin sarsare oo loo maxkamadeeyay.

@BBC