Cali Gacal oo ka hadlay sababta Galmudug looga reebay shirka Garoowe.

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa ka hadlay shirka ay leeyihiin Guddoonka Baarlamaanka Federaalka iyo dowlad goboleedyada, kaasoo maalintii labaad ka socda magaalada Garowe.

Shirkan oo looga hadlayo iskaashiga iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa Baarlamaanka Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada dowlad goboleedyada Puntland, Hirshabeelle, Koofur Galbeed iyo Jubbaland iyo Guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Baarlamaanka Federaalka.

Cali Gacal Casir ayaa sheegay in madaxda maamulka Puntland ay ka reebeen inuu ka qeybgalo shirka, isagoo metalaya maamulkiisa, wuxuuna tilmaamay in Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya uu u soo diray casuumaada shirka ka socda magaalada Garoowe.

“Waxaan aaminayaa in arintan tahay khilaaf cusub oo hay’adaha sharci dejinta laga dhex abuuray, waxaan kaloo sheegayaa inaan aqoonsaneyn wax kasta oo shirkaas ka soo baxo, maadaama aan ka qeybgalin shirka, guddoonkii baarlamaanada oo kala maqan in go’aan la gaaro wax shaqeynayo maaha” ayuu yiri Cali Gacal Casir.

Waxa uu ka dalbaday Guddoonka sare ee baarlamaanka Soomaaliya inay talaabo cad ka qaadaan madaxda Puntland oo ay soo caddeeyaan sabab lagu qanci karo oo Galmudug looga reebay shirka, maadaama Guddoonkooda dhawaan ay Muqdisho uga soo qeyb galeen furitaanka Kalfadhiga 5-aad ee baarlamaanka.

Warar la helayo waxa ay sheegayaan in sababta rasmiga ah ee ka danbeysa inaan Cali Gacal Casir lagu marti qaadin shirka ay tahay khilaafka u dhexeeya Galmudug oo sababay in laba Guddoomiye baarlamaan ay ku kala shaqeeyaan magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado.

Shirka Golayaasha sharci dejinta ee dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada ayaa ah kii shanaad oo ay yeeshaan golayaasha baarlamaanada dalka, waxaana sida qorshaha uu yahay shirkan uu xirmi doonaa Arbacada berri, iyadoo laga soo saari doono War-Murtiyeed ay ku cad yihiin qodobadii lagu heshiiyay.

Xigasho: Jowhar.com