Wararka naga soo gaaraya duleedka magaalada Baydhabo, ayaa sheegaya in dagaalamayaal katirsan Shabaab ay weerar saf balaaran ah ku qaadeen deegaanka Goof Guduud, Deegaanka la weeraray waxey 26-Km dhanka Glabeed uga toosantahay Baydhabo.
Weerarka Shabaab oo ku bilowday gaadiid laga soo buuxiyay walxaha qarxa, ayaa dhacay Saaka, waxaana jira khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay weerarka Shabaab.
Dagaallamayaal Ka Tirsan Shabaab iyo Ciidamada Koofur Galbeed, ayaa waxaa goobta ku dhexmaray dagaal kahsaraar, Waxaana gudaha baydhabo laga maqlayay daryanka Madaafiicda la isu adeegsanayay.
Saraakiil Ciidan, ayaa Ceelhuur.com U sheegay in Shabaabku qabsadeen xero ay leeyihiin Ciidanka Milatariga, maadaama dagaalka uu xoogiisa xerada ka dhacay.
Shacabka lagu dul dagaalamay oo mar danbe oo Saaka ah isaga cararay gudaha Goof Guduud, ayaa sheegay in Ciidamada Koofur Galbeed ay isaga firxadeen deegaanka, ayna Ay Aadeen dhinaca magaalada Baydhabo.
Waxaa adag in la helo kahsaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka, maadaama isgaarsiinta in la helo ay aad u adagtahay.
Ciidamad aad u hubeysan oo ka baxay baydhabo, ayaa gurmad ahaan u aaday deegaanka Goof Guduud, waxaana mararka qaar ay yihiin Ciidamada kuwo gaadiidka ka dagaya oo lugeynaya, iyagoo ka cabsi qaba qaraxyo wadada dhineceeda loo galiyo.
Shabaab, ayaa joogteeyay weerarada ay ku qaadaan deegaanka Goof Guduud, waxaana dhowr jeer u suura gashay in deegaanka gacanta ay ku dhigaan, mana muuqata qorshe cad oo arintaasi Koofur Galbeed uga gaashaamaneyso