Faallo:Muuqaalka Cusub ee Xasan Daahir Maxuu Xambaarsanyahay?

Qalinka Qoraaga Wararka Maanta

Muuqaalka Cusub ee Xasan daahir muxuu xanbaarsanyahay? maxeeysa aniga Ila tahay? waxaan daawaday Muqaal soconaya Ku dhawaad saacad oo uu soo duubay Sh Xasan Daahir Aways, wuxuu xoogga saaray Sadex Arrimood oo kala ah,

1-Qabyaaladda iyo Dawladnimada.
2- Dimuquraadiyadda iyo Soomaalida.
3-Cadaaladda iyo Dajinta Qawaaniinta.

aragtidayda Qof ahaaneed sida uu dhigay Sadexda Qodob mid waan Ku raacsanahay, labana qayb ahaan waan Ku raacsanahay, qayb kuma raacsani qaybna Cilmi Uma lihi.

inkasta oo aanan Shaqsi ahaan u ahayn taageere Wadaadka iyo kuwo la afkaar ahba, hadana taasi igama reebayso in aan Ku raaco haddii uu sheego wax wanaagsan, sidaas awgeed, waan Ku waafaqsanahay sida uu uga hadlay Qodobka koowaad ee Qabyaaladda.

wuxuu sheegay in aysan marna macquul ahayn in Qabyaalad lagu ahaado Dawladda isagoo waliba yiri”Qabiil Dawlad waa dumiyaa ee ma dhiso” waana sida aan Ka baranay taariikhda balse nooga baahan rumaysi iyo Ku dhaqan.

marka aan u imaado Qodobka Labaad ee Dimuquraadiyadda, qaybta hore oo uu Ku diiday kuna tilmaamay Kufri in la aamino Dimuquraadiyadda Aqoon igu filan oo Diineed Uma lihi sidaas darteedna waan Ka gaabsanayaa, balse qaybta danbe oo uu Ku sheegay in Labo dhaqan oo xun kaliya ay Soomaalidu Ka qaadatay Dimuquraadiyadda lafteeda kuwaas oo Kala ah dhawrsanaan la’aanta iyo Fasaadka oo micnaheedu yahay in aan ladhawrin Anshaxa Islaamka iyo in iyadoo la dugsanayo Dimuquraadiyadda markasta la abuuro Fawdo iyo xasilooni-la’aan waan Ku waafaqsanahay sababtoo ah.

haddii Qofkastaa udhaqmo sida uu doono haddii laga horistaagana yiraahdo Dimuquraadiyadda ayaa ogol taasi xal Uma aha abuurist iyo ilaalinta Mujtamac Muslim ah, dhaqanna leh, sidoo kale haddii Qofkastaa Ku hadlo wuxuu doono lagana yaabo in hadalkiisu uu keenikaro dhibaato saamaysa Malaayiin Qof waliba dhanka xun usaamaysa lama gaarayo Bulsho mid ah, Nabad kuwada nool iyo Dal dagan dhinackasta.

qodobka Sadexaad ee ugu danbeeya isna waxbaan Ku waafaqay Wadaadka oo ah in aan Cadaaalad laga helaynin meel aan ahayn Islaamka iyo waxa uu ogolyahay sidoo kale aanay marna noo wanaagsanayn Qawaaniin aynaan Ku dagsan gacmaheenna kuna salaysnayn Shareecada Islaamka waana taas sababta Aabaha Shuruucdeenna oo ah Dastuurka looga dhigay Qodobkiisa koowaad in waxkasta oo kasoo horjeeda Islaamku ay xaaraam yihiin sidaas awgeedna Sharcikarta oo ay Ku jiraan Qodobo Ka hor imaanaya Islaamku waa waxba kama jiraan sabab kasta haku timaadee maadaama xeer kasta oo Dalka Ka jira ay qasab tahay in uu waafaqo Dastuurka Qaranka.

waxaanan Ku raacsanayn in qaybta danbe ee isla Qodobkaas uu si iila muuqata Siyaasad ugu sheegay in xalka Dalku uu Ku jiro kaliya qayb Ka mid ah Mujtamaca oo ah Wadaada oo ay tahay in iyagu noo taliyaan kaliya in aan Ku wanaagsanaankarno, sababta aan Ku diidanahayna waa,

1-horta yaa ah Wadaado oo uu ula jeeda? marka hadaanba la isku waafaqin taas sidee xal u yihiin?

2-qaar Ka mid ah Wadaada oo uu Sheikh Xasan Ku jiro waa lasoo tijaabiyay lamana mahdin oo Mushkuladdii ay abuureen ayaan Maanta la noolnahay, ama haka lahaadeen ujeedo wanaagsan oo farsamadu haka xumaato ama hadafkooduba ha qaldanaadee, marka haddii uu kuwaas kawado Wadaadada lama qabo.

3- inta aan aqaan ama Ka xigtay Culumada kuma arag meel Wadaad kaliya xaq u siinaysa in uu umadda hugaaminkaro kana reebaysa inta kale, balse badalkeeda waxaa Ku cad taariikhda iyo Diintaba in Dad aan wadaado ahayn ay soo xukumeen qaybo Ka mid ah Khilaafadii Islaamka, sidaas darteed takooris iyo awood marooorsi ayaa iiga muuqda kumana raacsani, ogaadana waa Kala labo Diinta Islaamka iyo Wadaadaduye.

4- sida uu isaguba qiray Wadaadada Soomaaliya weey qaybsanyihiin ilaa qaarkood gaareen in ay Warbaahinta isku gaalaysiiyaan ama isdilaan dhexdooda sida uu isaguba ugu sigtay in ay Dilaan Awlaadiisii Caqiido qaar Ka mid ah kuna qasabtay in uu Nafta labaxsado, marka Wadaado heerkaas kala jooga in ay noo taliyaan kuma raacsani.

ugu danbayn, Sheikh Xasan, waxaa iiga muuqda dhawr arrimood oo aan Ku bogaaadinayo muujinayana in Afkaartiisa wax iska badaleen iyadoo aysan Ka muuqan wax cabsi ah oo Ku qasabtay sida laga fahmikaro Ku adkaysiga qaybo kale oo Ka mid ah Afkaarihiisa Xanafta leh ee Ku jira muuqaalkiisaan ugu danbeeyay, waxyaabaha aan Ku bogaadinayo waxeey Kala yihiin.

1- marka aad dhuuxdo labadiisii Muuqaal ee igu danbaysay waxaa Ka muuqata in uu unaxayo Dawladnimada aqbalsanyahayna si guud.

2- in uu muujiyay Dabacsanaan iyo furfurnaan marka ay timaado Khilaafaadka udhaxeeya Jameecooyinka Kala duwan ee culumada, tusaale wuxuu amaanay Ahlu Sunnada Gobalada dhexe isla markaana Qiray in ay shaqo wanaagsan qabteen, wuxuu kaloo Ku booriyay Culumada in ay yareeyaan Khilaafka dhexdooda ah, isla markaana Ku midoobaan inta ay isku waafaqsanyihiin wixii ay Ku Kala duwanyihiinna si Naseexo ah uga doodaan taas oo Ila ah talo wanaagsan iyo isbadal Ka muuqda Shiikha marka la barbardhigo sidii horay looga bartay.

W/Q:Cabdiraxman Yusuf Alcadaala