Faaf-faahin:Dagaal xalay ka dhacay buula burde

Wararka Maanta

Faah faahin ayaa ka soo baxaya dagaal u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan dowladda, kuwa AMISOM ee ka socda Jabuuti iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab, kaasoo ka dhacay deegaanka Qansaxle ee galbeedka degmada Buulo Burde.

Dagaalka ayaa yimid kaddib markii dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen fariisimaha Ciidamada AMISOM ku leeyihiin duleedka Buulo Burde, waxaana la sheegay in dagaal muddo socday uu halkaas ka dhacay.

Labada dhinac ayaa la sheegay inay isu adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha ka dhashay dagaalkii xalay.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Buulo Burde ayaa sheegaya inay iska difaaceen ciidamada dowladda iyo AMISOM weerarkii ay Al-Shabaab ku soo qaadeen.

Dagaalkii xalay ka dhacay duleedka Buulo Burde ayaa ku soo aaday xilli shalay gelinkii dambe uu dagaal ka dhacay inta u dhaxeysa Jalalaqsi iyo Buulo Burte, kaasoo Al-Shabaab sheegteen inay ku dileen shan askari ka tirsan ciidanka dowladda.