Dilal qorsheysan oo xalay Muqdisho ka dhacay

Wararka Maanta

Dilal qorsheysan ayaa ka dhacay xalay Magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda , waxaana geystay Kooxo hubaysan oo Bistoolado ku hubeysnaa.

Askari ka tirsan ciidamada Nabad Suggida Somaliya ayaa lagu dilay Xaafada Dabakaayo madoow ee Degmada Dharkiinley, waxaana dilkaasi geystay dableey hubaysan. Askariga la dilay, ayaa waxaa magaciisa lagu soo koobay Sheekeeye, iyadoo dableydii dilka geysatay ay ka baxsadeen goobtaasi.

Sidoo kale nin ganacsade ahaa ayaa lagu toogtay duleedka Magaalada Muqdisho, gaar ahaan deegaanka weydoow, waxaana meeshaasi ka baxsaday dadkii dilka geystay.

Isla xalay Muqdisho waxaa ka dhacay dhaawac culus oo loo geystay nin Nabadoon ahaa, kaasi oo magaciisa lagu sheegay Nabadoon Cismaan. Dilalkaan iyo dhaawaca Nabadoonka loo geystay illaa hadda ma jirto cid  loo soo qabtay oo ay shaaciyeen laamaha ammaanka dowladda.