
Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogan ayaa todobaadkan booqasho rasmi ah ku tagaya saddex dal oo ka tirsan qaaradda Afrika.
Booqashada Erdogan ayaa bilaabanaysa maalinta Axadda, isagoo soo gaban gabey doona khamiista soo socota, Madaxweynaha ayaa labada maalmood 22,23 Janaayo joogaya dalka Tanzania, halkaas oo labada wadan ku kala saxiixanayaan heshiisyo ganacsi.
Madaxweyne Erdogan ayaa lugta labaad ee safarkiisa ku tagaya 24 bishan dalka Mozabiq, waana Madaxweynihii ugu horeeyey Turki ah ee dalkaasi booqda, isla maalintaas ayuu madaxweynuhu booqasho ku bixin doonaa dalka Madagascar, isagoo ku sugnaan doona laba maalmood.
Erdogan ayaa inta uu ku sugan yahay saddexdaan wadan heshiisyo iskaashi la saxiixanaya dalalkaas, Turkiga ayaa qaaraada Afrika u arka mid hodan ah.
Xigasho: wakaalada wararka Anadoulu