Wasiirka Dastuurka DFS oo soo gaaray Cadaado

Wararka Galmudug Wararka Maanta

DETrln_XYAAwiH_

Wafdi ka socda dowladda Federaalka ah ayaa maanta soo gaaray Magaalada Cadaado caasimadda kumeelgaarka dowlad goboleedka Galmudug, Wafdigaan ayaa waxaa hogaaminaya Wasiirka Dastuurka dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

Masuuliyiinta oo si diiran loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ayaa kulan la leh madaxda Galmudug, waxaana la filayaa in booqashadoodu qaadan doonto muddo laba maalmood ah, iyagoo la kulmi doona qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ujeedada safarka wafdigan ayaa ah sidii ay bulshada Galmudug la tashi ugala sameyn lahaayeen dastuurka kumeelgaarka ah Soomaaliya, Wasiir Xoosh ayaa horey u booqday Garoowe iyo Baydhabo.