Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo isla qiray in arimaha muranka badda aysan saameyn ku yeelan xiriirka labada dal

Wararka Maanta

Wasiirada  Maaliyada Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegay in khilaafka dhinaca badda ah ee ka dhexeeya labada dal  aysan wax saameyn ah ku yeelanayn arrimaha gargaarka, ganacsiga iyo isu socodka dadka ee xadka kala qeybiya labada wadan.

Labada wasiir oo shir jaraaid ah si wadajir ah uga hadlay magaalada Washington ee dalka Maraykanka oo lagu qabtay kulanka sanadlaha ah ee hay’ada lacagta adduunka iyo Banigga Adduunka.

“Khilaafka u dhexeeya labada dal ee ku salaysan lahaanshaha 150,000 square-kilometer (58,000 square-mile) oo xeebta badweynta Hindiya ma sababin wax cadawtinimo ah oo labada dal u dhexeeya.”ayay ku sheegeen shirka jaraa’d oo Sabtidii lagu qabtay magaalada Washington Wasiirka Maaliyada Soomaaliya  Cabdiraxman Ducaale Beyle iyo kusimaha Wasiirka Maaliyada Kenya Ukur Yatani.

Maxkamada Caalamiga ah ee ICJ ayaa toddobaadkan dib u dhigtey kiiska dacwada badda kadib markii ay dowlada kenya codsatay waxaana dacwada la qaadayaa bisha June ee soo socota.

Iyadoo dowlada Kenya ay codsatay in wadahadal lagu dhameeyo khilaafka ayaa hase ahaatee Beyle iyo Yatani waxa ay xuseen inay u hogaansamayaan xukunka maxkamada.

Dowlada kenya ayaa waxaa saldhig u ah ururada gargaarka dalka Soomaaliya waxaana ku sugan dalka Kenya illaa 250 qaxooti Soomaali ah.