Kheyre oo guddi wasiiro ah u magacaabay xalinta cabashooyinka Maamul Goboleedyada

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa guddi wasiiro ah u magacaabay in ay Golaha Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka kala shaqeeyaan xal u helidda cabashooyinka Maamul goboleedyada.

Guddigan ayaa waxaa gudoomiye looga dhigay Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaaleynta iyo Dib u heshiisiinta Mudane Cabdi Maxamuud Sabriye.

Aqalka Sare ayaa dhawaan muddo 3 cisho ah u qabtay Madaxda Dowladda Federaalka in ay isu taagaan sidii xal loogu heli lahaa khilaafka Madaxda Maamul goboleedyada iyo Dowladda Dhexe.

halkaan ka aqriso warqadda magacaabista Guddiga.