Hiiraan:Al-shabaab oo gubay Gawaari u Rarnaa Ganacsato

Wararka Maanta

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maleeshiyada Al-shabaab ay dab qabadsiiyeen gawaari ku rarnayd badeeco ganacsi xili ay marayeen deegaano katirsan Gobolka Hiiraan.

Maleeshiyada Al-shabaab ayaa gubay ilaa 6 gaari oo ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed,kuwaasi oo ku sii jeeday Gobolada Bay,Bokool iyo deegaano katirsan ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya,Sida ay ay sheegeen dadka deegaanka.

Goobta falkaasi uu ka dhacay ayaa ah deegaanka lagu magacaabo Maroodiile oo khayaas ahaantii 25 KM u jira magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan,iyagoo u adeegsaday Baasuukayaal iyo Basiin si ay u gubaan dhamaan 6 gaari iyo badeecadda saarnayd.

Waxaa iska hor imaad uu halkaasi ku dhexmaray Maleeshiyada Alshabaab iyo dadka deegaanka,Al-shabaab ayaa la sheegay in halkaasi looga dilay ilaa 4 qof.

Wariye Ibraahim Maxamed Geedi oo ka tirsan warbaahinta Dowladda ayaa soo sheegayaa in ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay saaka ka amba bexeen magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan,kuwaasi oo howlgalo ka wada deegaankii ay Shabaabku ku gubeen gawaarida.

Maleeshiyada Shabaab ayaa Deegaanka Maroodiile ee G/Hiiraan ku gubay 6 gaari oo ku rarnaa badeeco ganacsi,iyadoo C.X.D ay saaka howlgalo ka wadaan deegaankaasi

@Sonna