C/kariin guuleed oo ku eedeeyay dowlada abaabul dagaal oo ey gedo kawado

Wararka Maanta

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha iyo Amniga Xukuumaddii hore C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ayaan-darro ku tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay awood ciidan ay ku abaabusho degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo, halkii ay aheyd inay geliso Al-Shabaab iyo la dagaalanka kooxaha nabad diidka.
C/kariin Guuleed ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in dowladda ay abaabul iyo guluf dagaal ka wado Gobolka Gedo, si gacanta uga bixiso Maamulka Jubbaland.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka C/kariin Guuleed:-

Waa ayaan daro in dowladda Soomaaliyeed halkii laga sugayey in awoodda ciidan ee ay heyso u abaabusho una diyaariso dhankaas iyo ladagaalanka kooxda nabad-diidka ah ee Al-shabaab ay abaabul iyo guluf dagaal ka wado degmooyin ka tirsan gobalka Gedo, si ay oga bixiso gacan ku heynta maamulka Jubaland.

Run ahaantii ma aheyn arinkaas oo kale wax dowladda laga filaayey, waana arin abuureysa colaad iyo iska horkeen bulsho, fursadna siineysa codowga Al-shabaab.

Haddaba dowladda waxaan u soo jeedineynaa inay arinkaas joojiso, waxii is afgaranwaa ah ee kala dhaxeeya maamulka Jubalandna ku xaliso wadahal iyo is faham, halkii xoog, xoolo iyo wiilal lagu khasaarin lahaa dagaal dhexdeena ahna loo wajaho awoodda ciidan iyo cududeed oo dhan dhanlka ciribtirka iyo ladagaalanka xoogagga argagaxisada ah.