Doorashada xubnaha Banaadiriga oo Muqdisho ka bilaabanaya

Wararka Maanta

20161023636128244331256252doorashada_somalia_ee_2016_horumar

Doorashada Aqalka Hoose ee Xildhibaanada laga soo dooranayo Beelaha Banaadiriga ayaa la filayaa in goor dhow ka bilaabato Xaruunta Gaagiidka Booliska ee Degmada Cabdicasiis ee Magaalada Muqdisho.

Wararka naga soo gaaraya goobta uu shirku ka dhacayo ayaa sheegaya in si weyn loo adkeeyay Ammaanka meeshaasi,iyadoo laamaha Amniga ay soo saareen amaro la xiriira ammaanka inta lagu guda jiro doorashooyinka.

Xubnaha lagu dooranayo Magaalada Muqdisho ee Beelaha Banaadiriga ayaa gaaraya 3 xubnood, waxaana dooran doona ergooyin horey la cayimay.

Guddiga doorashada dadban ee heer Federaal ayaa horay u sheegay in doorashada xubnaha Aqalka Hoose ee ka imaanaya Beelaha Banaadiriga ay ka dhaceyso Muqdisho, iyadoo la filayo in maalmaha foodda nagu soo haya ay sidoo kale Muqdisho ka dhacdo doorashada xubnaha Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ee xubnaha ka imaanaya Gobolada Waqooyi ee Dalka Soomaaliya.