Diyaarad siday Saraakiil iyo Fanaaniin Ruush ah oo burburtay

Uncategorized Wararka Dibadda Wararka Maanta

fb_img_1482658755620

Diyaarad siday 91 ruux oo laga leeyahay dalka Ruushka, ayaa ku dhacday Badda Madow, kadib markii ay ka duushay magaalada Sochi ee dalka Ruushka.

Diyaarada ayaa hawada ku jirtay 20 daqiiqo, markii uu lumay raadeerka Diyaarada, sida ay sheegtay Wasaarada Difaaca dalka Ruushka.

Wasiirka Difaaca dalka Raashiya ayaa sheegay in xubno kamid ah ciidamada oo caan ah,laguna magacaabo Alexandrov iyo 9-kale oo Wariyaal ah ay ku jireen diyaaradaasi bur burtay.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Difaaca waxaa uu sheegay in diyaaradaasi ay ku socotay dalka Suuriya,si xubnihii la socday ay uga qeybgalaan farxadda sanadka cusub ee ay xusayaan ciidamada Raashiya ee jooga dalka Suriya,gaar ahaan gobolka latakiya.

Afhayeenka ayaa intaa raaciyay in diyaaradasi oo nuuceedu ahaa Tu-154 ay sidday 83–qof oo rakaab ah oo ka kooban shaqaale dowladeed,fanaaniin mileteri ah, wariyaal iyo 8-qof oo ah shaqaalihii diyaaraddaasi..