Dadkii Cadaado tagay colbaa ku dabajira!

Arimaha Bulshada Wararka Galmudug Wararka Maanta

Dadkii Cadaado tagay colbaa ku dabajira!

Doorashada dadban waxaa laga dheefay, in beeluhu awood u yeesheen, in xildhibaannada lagu so xulo magaalooyinka ay ka soo jeedaan iyo deegaannada ay metelidoon.

Waxay eheed tallaabo ahmiyaddeeda leh, oo laga dhaxlay waxyaabo ay dhaqaale, dhaqan ogaasho iyo dhalyobarasho ay ka mid tahay.

Wax walba dhib iyo dheef ayey leeyihiine, dadkii tagay magaalada Cadaado, intii lagu gudajiray ololaha doorashada iyo xulidda xubnaha labada aqal, waxaa ku socda ugaarsi, qaarijin iyo dil foolxun!

Dilalkan lagu ugaarsanayo dadkii tagay magaalada Cadaado ama soo noqday xubin ergo soo doortay xildhibaan, waxaa ugu dambeeyey; Maxamed Cumar Hagafeey (AUN) oo ahaa, afhayeenkii hore ee Ximan iyo Xeeb, intii aan Galmudugta weyn la dhisin, sidoo kalana ahaa, milkiilaha idaacadda Gobollada Dhexe ee Cadaado.

Sidoo kale, 14/02/2017 waxaa Suuqa khudaarta ee Bakaaraha lagu dilay Marxuum Bashiir Maxamad Cali, oo ku magacdheeraa “Xagaleey”. Waliba marxuum Xagalay dil kaliya ma ahayne, dhaawaciisa ayaa la dhammaystay!

Dil waa dhacaa, maalin walba ayaana dad la dilaa, balse, kan hadda lagu ugaarsanayo dadka Cadaado tagay, waxay ka soo wada jeedaan hal BEEL, oo in ka badan 17 qof laga dilay, haddaba, maxay ku salaysnaan karaan dilalkan qurshaysan?

Magaalada Cadaado waxaa tagay beelo badan, oo ergo iyo ka qaybgalayaal dooraso isugu jiray, haddana beelahaa kale ugaarsi is ka daaye, aanan anigu maqal qof laga dilay! Ma lihi, in laga dilo ayey eheed, balse, haddiiba dadkii Cadaado tagay la dilayo, maa dilka laga wadasimo, oo beelaha dhan wadagaaro?

Ka sokow, maxaa dadka la dilayo ku koobay kaliya dadkii tagay magaalada Cadaado, ee aan dilku ugu socon magaalooyinkii kale ee doorashada dadban loo tagay, sida Jawhar, Garoowe, Baydhabo iyo Kismaayo? Ma garan!

Horta dilalkan yaa wada, ma Alshabaab, mise, qolo kale? Mid ay tahayba, waxaa maanta la qabtay baabuurkii loo adeegsaday dilka marxuum Hagafeey, marka waxaa qasab ah, in gaarigaa uu noqdo furaha lagu ogaan karo dilalkan cidda wadda iyo sababta uu dabada ku hayo.

Wax la yeeli karo ma ahan, in arrintan loogo haro, duug, janaaso, tacsi iyo marxuum hebel kaliya, ee waa in helo aragti baarineed iyo il furnaan lagu ogaado amarradan qarracanka ah meesha ay ka soo fulaan iyo dadka fuliya fafalkan gurracan!

Sidoo kale, waxaa muhim ah, in feegjinaan dheeraad ah la muujiyo, laguna dedaalo, in intii taxaddar la samayn karo la digtoonaado.

Ugaarsi!

W/Qorey: Bashiir M. Xersi

Comments are closed.