Dibadbax balaaran oo Muqdisho ka socda

Wararka Galmudug

Banaan bax looga soo horjeedo dilalka qorsheysan ee loo geysto dhalinyarada waxtarka u ah bulshada ayaa ka socda magaalada Muqdisho, iyadoo dhalinyaro ka dhiidhinaya dilkii maalmo ka hor loo geystay Maxamed Maxamuud Sheekh Cali ay socod ku marayaan waddooyinka Muqdisho.

Dhalinyarada banaan baxaya ayaa wata boorar ay ku qoran tahay halku dhigyo kala duwan, sida maxaa loo dilay Maxamed, waxaan rabnaa isla xisaabtan, cadaalad daro waa amni daro, ammaan ma nihin iyo erayo kale.

Qaar ka mid ah dhalinyarada abaabushay isu soo baxay ayaa si gaar ah isu soo baxan ku muujiyay dareenkooda ku aadan wiilkii dhalinyarada ahaa ee maalin ka hor lagu dilay Muqdisho,

Dhalinyaradan oo socod ka soo bilaabay agagaarka Isgoyska Banaadir oo aheyd halkii lagu dilay Maxamed waxay isugu soo uruureen Taalada Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere.

Waxaa isu soo baxa ka mid ahaa dhalinyarada ugu firfircoon magaalada, sida wariyeyaal, ururada dhalinyaada qaar ka mid ah xubnaha dhalinyarada ee Baarlamaanka iyo kuwo kale.

Magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkii u dambeeyay ka dhacayay dilalka ugaarsiga ah ee lagu haayo dadka haldoorka u ah bulshada, sida dhalinyarada hal abuurka leh, aqoonyahanada iyo dadka magaalada u yimid dib u dhiska iyo horumarka, waana ujeeddo la rabo in bulshada indhaha looga rido.