DHOOBLEY GOORMEY KENYA YEELATAY?

Wararka Maanta

DHOOBLEY GOORMEY KENYA YEELATAY?
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata ayaa maanta booqday magaalada Dhoobley ee gobolka jubada hoose oo ay kusoo dhaweeyeen ciidamadiisa ku sugan,majiro mas,uul Soomaaliyed oo la socday sida aad sawirka ka aragtaan ama goobjoog ka ahaa iyo dowlad ka war qabta toona.
Dowladda Kenya ayaa sheegtay inuu madaxweynuhu la kulmay ciidanka Dowladda Kenya ka jooga halkaas oo uu uga mahad celiyay naf hurnimada iyo howlaha ay dalkooda u hayaan.
Kenya inkastoo aan deris nahay hadana waxaan nahay 2 dowladood oo muran baddda iyo Bariga ahi ka dhaxeeyo,waxaana dalkeena ka jooga ciidan ay iskeed usoo dirsatay dibse AMISOM looga daray,iyadoo ciidamadaas horay loogu eedeeyay xasuuq dadweyne oo ka dhacay gobolka Gedo sidoo kale QM ayaa ku eedeysay inay lacag badan ka sameeyaan dhoofinta dhuxul Sharci daro ah.
qoraal kasoo baxay madaxtooyada Nairobi waxa uu u ekaa in madaxweynuhu maanta booqday dalkiisa magaalo kamid ah!
Ciidanka Amisom oo Somalidu rajo weyn ka qabtay ayaa noqday kuwo fuliya danaha gaarka ah ee dalalka soo dirsaday awaamiirtana si toos ah uga qaata,,waxeyse magac ahaan u hoos tagaan howlgalka AMISOM ee midowga AFRICA
Hadaba siduu adiga kuula muuqdaa muwaadin ahaan socdaalkan?

FB_IMG_1489864333649 FB_IMG_1489864330235 FB_IMG_1489864326041 FB_IMG_1489864321605 FB_IMG_1489864317633 FB_IMG_1489864313401 FB_IMG_1489864309802