Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka Qeybta 21-aad iyo Daraawiishta Galmudug ayaa gaaray deegaanka Bacaadweyne ee hoostagta degmada Hobyo koofurta Gobolka Mudug. Ciidamadan ayaa ka tagay magaalooyinka Dhuusamareeb, Cadaado iyo Galkacyo. waxaana socdaalkooda ku wehliya xildhibaano ka tirsan Barlamaanka cusub ee Galmudug iyo saraakiil ciidan. Sidoo kale Alshabaab ayaa dhaqdhaqaaq ka wada deegaanka warshubo ee degmada Xarardheere.
Ciidanka ayaa caawa gaaray halkaasi, waxa ayna ku biireen ciidamo maalmihii la soo dhaafay halkaas gaaray, deegaanka Bacaadweyne ayaa 7 kiilomitir u jira deegaanka Camaara oo ay dhowr jeer Alshabaab qabsadeen. Waxaana Alshabaab isku dayayaan in ay helaan ciidamo ka barbar dagaalamo Alshabaab, iyagoo beelaha daga koofurta gobolka Mudug ka dalbaday in ay keenaan dhalinyarada si ay uga mid noqdaan ciidankooda, arintaan oo keentay in dad badani ka barakacaan deegaano hoostaga degmada Xarardheere.
Deegaanka Bacaadweyne ayaa todobaadkan waxaa ka jiray cabsi xooggan, kadib markii saraakiil ka tirsan Alshabaab isku dayeen in ay tagaan halkaas, waxaana dadka deegaanku ka horjoogsadeen saraakiishaas in ay halkaas gaaraan. Taliyaha Ciidan Alshabaab ee gobolka ayaa ka soo jeeda deegaanka Bacaadweyne, waa arinta xiisad ka dambeysa, iyagoo Alshabaab doonayaan in ay halkaas gaaraan.
Wixii kusoo kordha kala soco ceelhuur.com