C/raxmaan Cirro “Siilaanyo Waa in Maxkamad la soo taagaa”

Wararka Maanta

Guddoomiyaha Xisbiga Wadani ee Somaliland C/raxmaan (Cirro) ayaa waxa uu ka hadlay hadalkii shalay ka soo baxay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dowladda Imaraadka Carabta.

Anwar Maxamed Qarqaash, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee isu tagga Iimaaraadka Carabta ayaa waxa uu sheegay heshiiskii Dekeda Berbera ay wax ka ogeyd Dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh, islamarkaana aanay aqoonsaneyn Somaliland.

C/raxmaan Maxamed C/laahi C/raxmaan (Cirro) ayaa waxa uu sheegay heshiiska Dowladda dhexe iyo Imaaraadka ay ka galeen Dekeda Berbera in ay aheyd xad gudub lagu sameeyay madax banaanida Somaliland.

Wuxuu sheegay arrintaasi in ay fududeysay Xukuumadii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo talada kaga horeysay tan iminka ka talisa Somaliland.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dambi qaran uu galay Madaxweyne Siilaanyo, loona baahan yahay in Maxkamad la soo taago, isaga oo dhanka kale Madaxweyne Muuse Biixi ugu baaqay in uu is casilo, maadaama uu tilmaamay inuu wax ka ogaa qiyaanada uu sheegay.

“Siilaanyo wuxuu jabiyay Dastuurka wuxuu qiyaameeyay shacabka, wuxuu muteystay Maxkamad in la horkeeno, Madaxweyne Muuse Biixi xog ogaal buu ka ahaa qiyaamada qaran ee uu geystay Siilaanyo, Muuse wuxuu heystay fursad oo aheyd inuu saxo qaladkaas.” Ayuu yiri C/raxmaan Cirro).

Khilaafka u dhaxeeya Dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo Dowladda Imaaraadka ayaa sii xoogeystay kadib markii Dowladda ay sheegtay in xad gudub ay sameysay Shirkadda DP-world oo laga leeyahay Imaaraadka Carabta.