Dhageyso:Raysulwaaaraha Dowladaha dariskaa faraha hakala baxaan doorashada

Wararka Maanta

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo maanta la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in dowladdaha Dariska la ah Soomaaliya ay Faragelin ku hayaan Doorashada Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in ay jiraan Culeysyo fara badan oo lagu haayo doorashada Soomaaliya, madaama ay soo dhowdahay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Dowladaha Deriska la ah Soomaaliya ayuu ugu baaqay in ay faraha kala baxaan doorashada, si shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay ugu madax banaanaadaan Dalkooda.
Dhanka kale Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay xukuumadiisa sababta ay dalka u gaarsiin weydau Doorasho qof iyo cod ah in ay tahay xasilooni daro Siyaasadeed.

Qaar ka mid ah dowladaha Deriska la ah Soomaaliya ayaa inta badan waxaa lagu eedeeyaa in ay fara gelin toos ah ay ku hayaan doorashada.