Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ee dowladii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ahna xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Cabdiraxmaan Xuseen Odawaa ayaa si kulul uga hadlay khilaafka dowladda iyo dowlad Goboledyada ka dhex jira ee sii xoogeysanaya.
Wareysi uu Caawa siiyey Radio Dalsan ayaa waxa uu ku sheegay in khilaafkaas uu sabab u yahay faham yari DFS ka heysato nidaamka federaalka ah,isila markaana dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay faragelin ku sameysay dowlad goboleedyada,isla markaana ay fahmeen.
Waxa uu sheegay in isku-day farabadan oo lagu doonayey in lagu dumiyo Maamulada Jubbaland iyo Galmudug balse ay fashilmeen,waxana uu aad u dhaliilay siyaasada dowladda Federaalka ay xilligaan ku Shaqeyso.
Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in faragelinta dowlad Goboleedyada ay ku sameysay dowladda ay sababtay inay hakiyaan wadashaqeyntii ay la lahaayeen,sidoo kalena dib u dhac uu ku yimaado shirkii dhawaan uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo oo beri loo balan sanaa.
Waxa uu ku eedeeyey dowladda Federaalka Soomaaliya inay hagar daamo ku wado Dowlad goboleedyada,sidoo kalena ay sheegeen in loo baahan yahay Gacan Saddexaad oo dhex dhexaadisa,kadib markii ay amnigooda u baqeen sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu soo hadal qaaday Shirkii Golaha Amniga ee loo balan sanaa 17-bsihaan oo Maalinta berito ah una muuqda mid aan qabsoomi doonin,waxana sababtaasi uu ku sheegay inay masuul ka tahay dowladda Federaalka,oo ka gaabisay wadahadal ay la sameyso Madaxda Dowlad Goboleedyada.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Xildhibaan Odawaa oo dhameystiran.
Xigasho: Radio Dalsan