Deni oo la siiyey waqti dheeraad ah oo Xukuumadiisa ku soo dhiso

Wararka Maanta

Baarlamaanka Dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta cod u qaaday codsi Madaxweynaha Maamulkaasi Saciid Cabdullaahi Deni ku dalbaday muddo kordhin loogu sameeyo, wakhtiga laga rabo inuu soo dhiso Xukuumadda cusub ee Puntland.

Madaxweyne Deni oo maanta hor yimi Baarlamaanka, wuxuu codsaday 15 cisho oo muddo kordhin ah si uu soo dhiso xukuumad Tayo leh.

45 xildhibaan ayaa u codeysay oo aqbashay codsiga Madaxweynaha, waxaa ka codeeyay 1 xildhibaan, waxaana ka aamusay 4 xildhibaan

Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ku jira mashquulka munaasabadda caleemasaarkiisa, waana tan keentay in uu codsado in waqti dheeraad ah loogu daro muddada sharcigu u ogol yahay inuu kusoo dhiso xukuumadda cusub.