Deni iyo Qoor-Qoor oo kawada hadlay Amniga Gaalkacyo

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Siciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland ayaa sheegay in Xaaladda amniga Magaalada Gaalkacyo iyo xiisad beeleedyada ka dhaca Mudug ay kawada hadleen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor.

Deni ayaa sheegay in xaqiijinta amniga Magaalada Gaalkacyo oo u kala qaybsanta labada Maamul oo ka kala arrimiyo Koofurta iyo Waqooyiga loo baahan yahay wadajir labada dhan ay kaga hor tagaan wax waliba oo dhibaato ku ah xasiloonida.

“Madaxweyne Qoor-qoor waxa aynu kawada hadalnay Xasiloonida Gobolka Mudug, waxa aan ballanqaadnay in aan xakameyno dhankeena, waa in laga gudbaa aanada iyo aarsiga oo ah dhibaatada ugu weyn ee abuurta xasiloonida darada oo iyanna sababta colaad, waxa aan ogahay in dadka ay ku dhex jiraan shaqsiyaad aan nabad rabin, balse waa in gacan adag lagu qabtaa” Madaxweyne Deni.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xusay in wixii dhib ah oo dhacay ay gali doonaan labada dowlad Goboleed, isla markaana uu dhici doono isla xisaabtan si loo abaalmariyo shaqsiyaadka abaabulaya sidii la isaga hor keeni lahaa bulshada iyada oo hab qabiil loo qaybinayo.

Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo sidoo kale soo noqday Madaxweynaha Maamulkaas iyo xubno kale ayuu ku amaanay dadaalada nabadeynta ah ay kawadaan Koofurta Gaalkacyo.

Dhawaan duleedka Magaalada Gaalkacyo waxaa ku dagaalamay labo Maleeshiyo beeleed, waxaana mararka qaar ka qayb gala Ciidamada labada dhinac sida dadka deegaanka ay Mustaqbal u sheegeen.

Isha: Mustaqbal