Deg Deg Qarax Gaari loo adeegsaday oo Ka dhacay Muqdisho

Wararka Maanta

Qarax xooggan oo gaari loo adeegsaday ayaa goor dhow ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama, iyadoo warar horudhac ah uu ka soo baxayo.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay agagaarka Xaaji Baasto, halkaasoo la sheegayo in la dhigay gaari waxyaabaha qarxa ka buuxay.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ay ka shakiyeen gaariga ka hor inta uusan qarxin.

Ciidamada ammaanka ayaa la sheegay inay wadada xireen, ka hor inta uusan qaraxa dhicin, markii lagu wargeliyay in gaari laga shakiyay inuu goobta yaalo.

Ugu yaraan labo ruux ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen qaraxa, waxaana xaalada ay ku soo laabatay si caadi ah.

Ciidamada Ammaanka ayaa goobo dhowr ah oo gaadiidka lagu baaro ku leh Wadada Maka Al-Mukarama.

Wadada Al-mukarama oo ah wado aad u mashquul ah, ayaa halbowle u ah isu socodka qeybo ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.

Dhowr jeer oo hore ayaa qaraxyo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ay ka dhaceen, iyadoo wadadan ay noqotay halka ugu badan ee qaraxyada ka dhacayeen todobaadyadii u dmabeeyay.