U.S.A:Duufaankta Harfi Oo Magaalooyin Cusub Khatar Ku Heysa

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Madaxda gobolka Texas ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in hal qof uu ku geeriyooday dabeysha Harfi, taasi oo ah dabeyshii ugu weyneyd ee ku dhufta gobolka muddo ka badan 50 sano,iyada oo laga digayo inay yimaadaan daadad maadaama ay socdaan roobab waaweyn.

Dabeysha Harfi oo jiirtay gobolka Texas waxaana ku yaallo gobolkaan xarunta lagu sameeyo Naftada iyo Gaaska,dabeyshaan ayaa saacaddii waxay jareysaa xawaare dhan 209 Km, waana dabeyshii ugu weyneed oo nuuceeda ah taasi oo ku dhuftay Texas sanadkii 1961 dii.

Dhibaatooyinka ay geysatay dabeysha ayaa waxaa ka mida burburka guryaha,jarista korontada iyada oo sidoo kale sababtay inay yimaadaan dabeylo iyo fatahaado,waxayna dabeyshaan sii hayn doontaa gobolka Texas maalmo dhowr ah waxaana lafilayaa inay da’aan roobab.

Gobanna tooraha gobolka Texas ee Cariga Maraykanka ayaa sheegay in 1800 oo askari ay ka qeyb gali doonaan hawlaha lagu suulinayo dabeysha,halka 1000 kale oo askari ay iyagana ka qeyb gali doonaan howlaha badbaadinta iyo baadi goobka.

Shirkadaha gobolka Texas ayaa waxay sheegeen in go’idda korontada ay saameysay ku dhawaad rubac malyan dad ah.

Dabeysha Harfi ayaa waxay la mid tahay ama ay ku awood tahay dabeyshii Kaatiriina taasi oo ku dhufatay gobolka New Orleans sanadkii 2005-tii waxaana ku dhintay dad gaaraya 1800 oo qof.