Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday deegaanka Daynuunaay

Wararka Maanta

Alshabaab ayaa dagaal culus saaka aroortii hore ku qaaday Saldhig ciidamada Dowladda oo ku yaala deegaanka Daynuunaay,Duleedka Magaalada Baydhabo.

Dagaalka ayaa ahaa mid culus oo la sheegayo inuu ku bilowday qarax, waxaana ciidanka dowladda iyo dagaalamayaasha Shabaab dhex maray dagaal saacad qaatay oo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaalka, waxaana baraha Internet-ka ee taageera Al-Shabaab lagu qoray inay cagta mariyeen saldhigga ciidamada dowladda, lana wareegeen saanado hub.

Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalka, iyadoo rasaas culus laga maqlayay deegaanka goor sii horeysay.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Koofur Galbeed oo ku aadan dagaalka saaka ka dhacay deegaanka Daynuunay oo ay saldhig ku lahaayeen Ciidamada dowladda.

Deegaanka Daynuunay ayaa qiyaastii 25KM kaga beegan magaalada Baydhabo, waxaana weerarka saaka lagu qaaday deegaankaas uu ku soo beegamayaa, maalin kaddib markii lagu soo gabagabeeyay Baydhabo shirkii Golaha Amniga Qaranka.